Matayos 25:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan.

2. Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen.

3. Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan.

Matayos 25