8. Waxan oo dhammu waa bilowga hoogagga.
9. Markaasaa dhib laydiin gaysan doonaa, waana laydin dili doonaa, oo magacayga aawadiis ayaa quruumaha oo dhammi idiin nebcaan doonaan.
10. Maarkaas qaar badan ayaa xumaan doona, midba mid buu gacangelin doonaa, wayna isnebcaan doonaan.
11. Waxaa kici doona nebiyo badan oo been ah, oo qaar badan ayay khiyaanayn doonaan.
12. Dembigu waa badnaan doonaa, taa aawadeed qaar badan jacaylkoodu waa yaraan doonaa.
13. Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona.
14. Oo injiilkan boqortooyada ayaa dunida oo dhan lagu wacdiyi doonaa inuu marag u noqdo Quruumaha oo dhan, dabadeedna ugudambaysta ayaa iman doonta.
15. Haddaba goortaad aragtaan waxa baas oo hallaynta ah ee lagaga hadlay nebi Daanyeel, oo taagan meesha quduuska ah (kii akhriyaa ha garto),
16. markaas kuwa Yahuudiya joogaa, buuraha ha u carareen.
17. Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato.
18. Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.
19. Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya.
20. Barya inaan cararkiinnu noqon wakhtiga qabowga ama sabtida.