Matayos 23:3-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.

4. Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.

5. Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;

6. waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada,

7. iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin.

Matayos 23