11. Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,
12. oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.
13. Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
14. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
15. Markaasaa Farrisiintii baxeen, oo waxay ka wada hadleen si ay hadalkiisa ugu qabtaan.
16. Waxay xertoodii ula soo direen Herodosiinta, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waannu og nahay inaad run tahay, oo aad dadka jidka Ilaah run ku bartid, oo aanad ninna u eexan, waayo, dadka wejigooda ma eegtid.
17. Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?
18. Laakiin Ciise ayaa sharkoodii gartay, oo wuxuu ku yidhi, Maxaad ii jirrabaysaan, labawejiilayaal yahow?
19. I tusa lacagta cashuurta. Kolkaasay u keeneen dinaar.
20. Wuxuu ku yidhi, Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan?
21. Waxay ku yidhaahdeen, Kaysar baa leh. Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.