Matayos 15:15-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Masaalkaa noo caddee.

16. Kolkaasuu wuxuu yidhi, Idinku weli ma garashola'aan baad tihiin?

17. Miyaydnaan garanaynin, Wax kasta oo afka galaa calooshay tagaan, oo waxaa lagu tuuraa meesha lagu saxaroodo?

18. Laakiin waxa afka ka soo baxaa, qalbigay ka yimaadaan; oo kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.

Matayos 15