Matayos 14:31-36 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?

32. Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.

33. Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

34. Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.

35. Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,

36. oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.

Matayos 14