24. Sidaa darteed, waxaan idinku leeyahay, wax kasta oo aad tukasho ku baridaan, rumaysta inaad hesheen oo way idiin ahaan doontaa.
25. Oo kolkaad tukasho u taagan tihiin, cafiya haddii aad dad wax ku leedihiin, si Aabbihiinna jannada ku jiraa xumaantiinna idiin cafiyo.
26. Haddii aanad cafiyin, Aabbihiinna jannada ku jira xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
27. Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii.
28. Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?
29. Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.