7. Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
8. Nin miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno.
9. Idinku, quruuntiinnan oo dhammu, waxaad ku inkaaran tihiin inkaartii, waayo, waad i dhacdaan.
10. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeltobnaadyada oo dhan khasnadda soo geliya in gurigayga cunto ku jirto aawadeed, oo haddaba taas igu tijaabiya, haddii aan idiin furi waayo daaqadaha samada, oo aan idinkaga soo shubi waayo barako aan meel qaadi karta la arag.
11. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Daraaddiin baan u canaanan doonaa kan wax cuna, oo isna midhaha dhulkiinna ma uu baabbi'in doono, oo canabkiinna beerta ku yaallana xilligiisa ka hor midhihiisa ma xoori doono.
12. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.
13. Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?
14. Waxaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay?
15. Oo haatan waxaannu kuwa kibirka leh ugu yeedhnaa, Kuwa barakaysan, kuwa xumaanta ka shaqeeyaa way barwaaqoobaan; xataa Ilaah way jirrabaan, oo haddana way samatabbaxaan.
16. Markaasaa kuwii Rabbiga ka cabsaday midkood baa midka kale la hadlay, oo Rabbiguna wuu dhegaystay oo wuu maqlay, oo hortiisa kitaab xusuuseed baa loogu qoray kuwii Rabbiga ka cabsaday, iyo kuwii magiciisa ka fiirsaday.