1. Kanu waa warka culus ee Eraygii Rabbiga oo Malaakii loogu soo dhiibay dadka dalka Israa'iil.
2. Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin jeclaaday, laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, War sidee baad noo jeclaatay? Ceesaw sow Yacquub walaalkiis ma ahayn? ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse Yacquub waan jeclaaday,
3. Ceesawse waan necbaaday, oo buurihiisiina cidla baan ka dhigay, oo dhaxalkiisiina waxaan siiyey dawacooyinka cidlada.
4. In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka Xumaanta, iyo dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.
5. Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.
6. Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay?
7. Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.