Maahmaahyadii 8:30-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Markaas anigu isagaan dhinac joogay, anigoo ah sidii hawlhoggaamiye, Oo anigu maalin kasta faraxiisaan ahaa, Oo mar kasta hortiisaan ku rayrayn jiray;

31. Waxaan ku rayrayn jiray inta dhulkiisa la degay, Oo waxaan ku farxi jiray binu-aadmiga.

32. Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.

33. Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.

Maahmaahyadii 8