13. Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi,
14. Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey.
15. Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay.
16. Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey.
17. Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe.