Maahmaahyadii 7:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.

2. Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr.

3. Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro.

4. Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy,

5. Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata.

6. Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey,

7. Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,

8. Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda,

9. Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay.

Maahmaahyadii 7