Maahmaahyadii 6:17-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,

18. Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega,

19. Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.

20. Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.

21. Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.

22. Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.

23. Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,

24. Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

25. Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban.

26. Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.

27. Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban?

28. Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban?

29. Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la'aan doono.

Maahmaahyadii 6