Maahmaahyadii 31:24-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Waxay samaysaa dhar wanaagsan, wayna iibisaa, Oo baayacmushtarigana waxay ka iibisaa boqorro dhexda lagu xidho.

25. Xoog iyo sharaf ayaa iyada dhar u ah; Oo wakhtiga soo socda way ku qososhaa.

26. Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.

27. Waxay aad u xannaanaysaa reerkeeda, Oo kibista caajisnimadana ma cunto.

28. Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan, Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;

Maahmaahyadii 31