23. Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
24. Waxaa jira afar waxyaalood oo dhulka ku yaryar, Laakiinse aad iyo aad u caqli badan.
25. Qudhaanjadu waa sida dad aan xoog badnayn, Laakiinse waxay cuntadooda soo diyaarsadaan guga.
26. Walooyinku waa qoon taagdaran, Oo haddana waxay guryahooda ka samaystaan dhagaxyada dhexdooda;
27. Ayaxu boqor ma leh, Weliba dhammaantood guuto guuto ayay u socdaan.
28. Qorratadu waa wax gacanta lagu qaban karo, Weliba waxay joogtaa guryaha boqorrada.
29. Waxaa jira saddex waxyaalood oo si fiican u socda, Haah, oo afar waa socod wanaagsan yihiin.
30. Aar libaax oo ah kan xayawaanka ugu xoogga badan, Oo aan weliba midna dib uga noqon,
31. Diiqa xarragoonaya, iyo orgiga; Iyo boqorka aanay dadku gees ka ahayn.