Maahmaahyadii 29:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.

2. Markii kuwa xaqa ahu amarka haystaan, dadku wuu reyreeyaa, Laakiinse markii kuwa sharka lahu xukunka wataan, dadku wuu taahaa.

3. Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.

4. Boqorku gar buu dalka ku dhisaa, Laakiinse kii laaluush jecelu wuu dumiyaa.

5. Ninkii deriskiisa faaniyaa Shabag dabin ah ayuu cagihiisa hor dhigaa.

6. Ninkii shar ah xadgudubkiisa waxaa ku jira dabin, Laakiinse kii xaq ahu waa iska heesaa oo reyreeyaa.

7. Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

8. Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.

Maahmaahyadii 29