Maahmaahyadii 21:19-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.

20. Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.

21. Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.

22. Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.

Maahmaahyadii 21