Maahmaahyadii 17:23-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.

24. Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.

25. Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

26. Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro, Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.

27. Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.

Maahmaahyadii 17