Maahmaahyadii 16:12-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

13. Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.

14. Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

15. Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.

16. In xigmad la helaa intee bay ka sii wanaagsan tahay in dahab la helo! In waxgarasho la helaana waa laga doortaa in lacag la helo.

17. Kuwa qumman jidkoodu waa inay sharka ka leexdaan, Kii jidkiisa dhawraa naftiisuu ilaaliyaa.

18. Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

19. In kuwa kibirsan booli lala qaybsado Waxaa ka sii wanaagsan in kuwa hooseeya laysla sii hoosaysiiyo.

20. Kii hadalka dhegaystaa wax wanaagsan buu heli doonaa, Oo ku alla kii Rabbiga aaminaana waa barakaysan yahay.

Maahmaahyadii 16