Maahmaahyadii 14:30-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

30. Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

31. Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

32. Kii shar leh waxaa lagu afgembiyaa sharnimadiisa, Laakiinse kan xaqa ahu rajuu leeyahay markuu dhinto.

33. Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

34. Xaqnimadu quruun way sarraysiisaa, Laakiinse dembigu waa u ceeb dad kasta.

Maahmaahyadii 14