10. Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.
11. Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac, Aan gaadno inaynu dhiig daadinno, Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
12. Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;
13. Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
14. Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar, Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
15. Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
16. Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar, Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
17. Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
18. Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo, Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
19. Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn, Oo nafta ka qaada kuwa leh.