Luukos 24:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.

2. Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.

3. Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.

4. Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.

5. Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?

Luukos 24