Luukos 2:28-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,

29. Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,

30. Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,

31. Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,

32. Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.

Luukos 2