Luukos 18:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Si Ciise u tuso inay waajib ku tahay iyaga inay mar walba tukadaan oo aanay ka qalbi jabin, wuxuu iyaga kula hadlay masaal isagoo leh,

2. Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.

3. Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.

4. Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn,

Luukos 18