16. Oo wejigiisa ayuu cagihiisa ag dhigay oo u mahadnaqay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.
17. Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Tobankii miyaanay daahirsamin? Laakiin meeye sagaalkii?
18. Miyaan la arag kuwa u soo noqday inay Ilaah ammaanaan, shisheeyahan maahee?
19. Markaasuu ku yidhi, Kac oo soco. Rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
20. Farrisiintii goortay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Goormay boqortooyada Ilaah imanaysaa? wuxuu ugu jawaabay, Boqortooyada Ilaah dhawrid ku iman mayso.
21. Lamana odhan doono, Waa tan! ama, Waa taas! waayo, bal eega, boqortooyada Ilaah waa idinku dhex jirtaa.