1. Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.
2. Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.
3. Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii.
4. Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.
5. Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi,
6. waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo.
7. Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo.