Laawiyiintii 14:38-41 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa.

39. Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku soo noqdaa oo fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurku ku sii faafay guriga derbiyadiisa,

40. markaas wadaadku waa inuu amraa in guriga laga bixiyo dhagaxyada cudurka qaba, oo lagu xooraa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

41. Oo markaas waa inuu ka dhigaa in guriga gudihiisa oo dhan la wada xoqo, oo malaasta guriga laga xoqayna waa in lagu soo daadiyaa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

Laawiyiintii 14