12. Laakiinse waxaa dulma dadkayga carruur, oo dumar baa iyaga u taliya. Dadkaygow, hoggaamiyayaashaadu way ku qaldaan, oo waxay kharribaan jidkaaga aad ku socoto.
13. Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo.
14. Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.