Gabaygii Sulaymaan 1:9-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

9. Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.

10. Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan, Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.

11. Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah Oo lacag laga taagay.

12. Inta boqorku miiskiisii fadhiyey, Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.

13. Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

Gabaygii Sulaymaan 1