Falimaha Rasuullada 9:38-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

38. Dhowaantii ay Ludda u dhowayd Yaafaa aawadeed, xertii markay maqleen in Butros halkaas joogo, waxay u direen laba nin iyagoo ka baryaya oo leh, Ha ka raagin inaad noo timaadid.

39. Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.

40. Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay.

41. Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay.

42. Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.

Falimaha Rasuullada 9