Falimaha Rasuullada 27:4-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo haddana halkaas waannu ka dhoofnay, oo waxaannu ka hoos marnay Qubrus, maxaa yeelay, dabayshu waa na haysay.

5. Oo markii aannu ka gudubnay badda u dhow Kilikiya iyo Bamfuliya, waxaannu nimid Mura oo ku taal Lukiya.

6. Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey.

7. Oo kolkii aannu maalmo badan aayar soconaynay, waxaannu dhib ku nimid Kinidos horteeda, oo dabayshii ayaa noo diiday inaan hore u sii soconno, kolkaasaannu ka hoos marnay Kereetee oo ka hor jeedda Salmoonee.

8. Oo markii aannu dhib ku dhaafnay, waxaannu nimid meel magaceeda la yidhaahdo Marsooyin Wanaagsan oo u dhow magaalada Lasaya.

9. Markii wakhti badanu dhammaaday, oo haatan dhoofku halis ahaa, maxaa yeelay, Soonkii goor horaa la soo dhaafay, ayaa Bawlos waaniyey iyagii,

10. oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxay ila tahay in dhoofkanu lahaan doono waxyeello iyo khasaaro badan, umana ahaan doonaan shixnadda iyo doonnida oo keliya, laakiin xataa nafaheennu khatar bay ku sugan yihiin.

11. Laakiin boqol-u-taliyihii wuxuu dhegaystay hadalkii naakhudihii iyo ninkii doonnida lahaa intuu dhegaysan lahaa waxyaalihii Bawlos yidhi.

12. Oo marsadaasu ma ay ahayn mid ku wanaagsan in wakhtiga qabowga la joogo, sidaas daraaddeed ayaa dadkii intiisii badnayd waxay ku talisay in halkaas laga sii dhoofo, haddii si uun lagu gaadhi karo Foynikis oo halkaas wakhtiga qabowga la joogo, taasoo ah marso Kereetee ku taal oo u jeedda woqooyi-bari iyo koonfur-bari.

13. Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qasdigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee.

14. Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon;

15. oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay.

16. Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno;

17. Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay.

Falimaha Rasuullada 27