Falimaha Rasuullada 23:3-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Markaasaa Bawlos ku yidhi, Ilaah baa kugu dhufan doona, kaaga derbi caddaysanow; ma waxaad u fadhidaa inaad sharciga igu xukuntid oo aad ku amartid in laygu dhufto si aan sharcigu lahayn?

4. Markaasaa kuwii ag taagnaa waxay ku yidhaahdeen, Ilaah wadaadkiisa sare miyaad caayaysaa?

5. Bawlosna wuxuu ku yidhi, Walaalayaalow, anigu ma aan garanaynin inuu wadaadkii sare yahay; maxaa yeelay, waxaa qoran, Waa inaanad wax shar ah kaga hadlin nin dadkaaga u taliya.

6. Laakiin Bawlos markuu gartay in dadka qaarkiis Sadukiin yahay, qaarka kalena ay Farrisiin yihiin, ayuu shirkii ka dhex qayliyey oo yidhi, Walaalayaalow, anigu waxaan ahay Farrisi oo ah Farrisiinta wiilkood, oo wax ku saabsan rajada iyo sarakicidda kuwii dhintay ayaa laygu xukumayaa.

7. Oo markuu sidaas yidhina, waxaa Farrisiintii iyo Sadukiintii ka dhex dhacay muran, ururkiina waa kala qaybsamay.

8. Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.

9. Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.

10. Oo markii muran weyni dhacay, ayaa sirkaalkii sare wuxuu ka cabsaday inay Bawlos kala jeexjeexaan, markaasuu askartii ku amray inay hoos tagaan oo xoog isaga uga soo qaadaan dadka dhexdiisa, oo ay qalcaddii keenaan.

11. Haddaba habeenkii dambe Rabbiga ayaa is-ag taagay isagii oo ku yidhi, Kalsoonow, maxaa yeelay, sidaad Yeruusaalem iigu markhaati furtay waa inaad Roomana iigu markhaati furtid.

12. Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane.

13. Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan.

14. Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno.

15. Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

16. Laakiin Bawlos wiilkuu abtiga u ahaa wuxuu maqlay gaadmadoodii, markaasuu yimid oo qalcaddii galay oo Bawlos u warramay.

17. Markaasaa Bawlos wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyayaashii midkood oo ku yidhi, Wiilkan u gee sirkaalka sare, maxaa yeelay, war buu qabaa inuu u sheego.

18. Sidaas daraaddeed ayuu kaxeeyey oo u geeyey sirkaalkii sare oo ku yidhi, Bawlos oo maxbuuska ah ayaa ii yeedhay, oo wuxuu i weyddiistay inaan kuu keeno wiilka oo war qaba inuu kuu sheego.

19. Markaasaa sirkaalkii sare gacanta ku qabtay isagii oo gees ula leexday oo gooni ahaan u weyddiiyey isagoo leh, Waa maxay warkaad qabtaa inaad ii sheegtid?

20. Markaasuu ku yidhi, Yuhuuddu waxay ku heshiiyeen inay kuu weyddiistaan inaad berrito Bawlos shirka hor keentid sidii adigoo doonaya inaad u sii weyddiisatid wax ku saabsan isagii.

Falimaha Rasuullada 23