Falimaha Rasuullada 18:16-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Markaasuu iyagii ka eryay kursigii xukumaadda.

17. Kolkaasay kulligood waxay qabteen Sostenees oo sunagogga u sarreeyey, wayna ku garaaceen isagii kursigii xukumaadda hortiisa. Galliyona dan kama gelin waxyaalahaas.

18. Markaasaa Bawlos maalmo badan sii joogay, dabadeed ayuu walaalihii ka tegey, oo wuxuu u dhoofay Suuriya, isagoo ay la socdaan Bariskilla iyo Akula, wuxuuna Kenekhreya hore ugu xiirtay madaxa, maxaa yeelay, nidar buu galay.

19. Markaasay waxay yimaadeen Efesos, oo halkaasuu iyagii kaga tegey; laakiin isagu wuxuu galay sunagogga oo la dooday Yuhuuddii.

20. Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;

21. laakiin markuu ka tegey ayuu ku yidhi, Mar kalaan idiin soo noqon doonaa haddii Ilaah doonayo, markaasuu Efesos ka dhoofay.

Falimaha Rasuullada 18