26. oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;
27. inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta;
28. maxaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa.