Falimaha Rasuullada 16:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo wuxuu kaloo yimid Derbe iyo Lustara; oo bal eega, halkaas waxaa joogay nin xer ah oo la odhan jiray Timoteyos, oo ahaa Yahuudiyad rumaysan wiilkeed, aabbihiise wuxuu ahaa Gariig.

2. Isagana walaalihii Lustara iyo Ikoniyon joogay baa u marag furay.

3. Bawlos wuxuu doonayay inuu isagu raaco; markaasuu waday oo guday, Yuhuudda meelahaas joogtay darteed; maxaa yeelay, kulligood way wada ogaayeen in aabbihiis uu Gariig ahaa.

Falimaha Rasuullada 16