23. Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
24. Markaasay sii dhex mareen Bisidiya oo yimaadeen Bamfuliya.
25. Oo kolkay ereyga kaga hadleen Berga ayay waxay tageen Ataliya;
26. meeshaasna waxay uga dhoofeen Antiyokh, taasoo ahayd meeshii iyaga lagaga ammaana geliyey nimcadii Ilaah shuqulkii ay sameeyeen aawadiis.