15. Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,
16. Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.
17. Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.
18. Haddaba ninkaasu meel ayuu ku iibsaday abaalgudka xaqdarradiis; oo intuu madax madax u dhacay ayuu dhexda ka kala dillaacay, oo mindhicirkiisii oo dhammuna waa ka soo daatay.
19. Kolkaasaa kuwii Yeruusaalem joogay oo dhammu ay wada ogaadeen; sidaas daraaddeed meeshaas waxaa afkooda loogu bixiyey Akeldama, taas oo micneheedu yahay, meeshii dhiigga.