Esteer 9:28-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

28. iyo in qarni kastaa, iyo qolo kastaa, iyo dal kastaa, iyo magaalo kastaaba ay maalmahaas xusuustaan oo dhawraan, iyo in maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo aanay Yuhuuddu ka baaqan, oo aanay xusuustooduna xataa farcankooda dambe ka baabbi'in.

29. Markaasaa Boqorad Esteer oo ahayd ina Abiixayil, iyo Yuhuudigii Mordekay ahaa waxay amar buuxa ku qoreen, si ay u adkeeyaan warqaddan labaad oo ku saabsan FUURIIM.

30. Oo waxaa warqado loo diray kulli Yuhuuddii joogtay boqol iyo toddoba iyo labaatankii gobol oo boqortooyadii Ahashwerus, oo waxaa loogu dhawaaqay hadal nabaadiino iyo run ah,

31. si loo adkeeyo maalmahaas FUURIIM la yidhaahdo wakhtigooda, sidii ay u amreen Yuhuudigii Mordekay iyo Boqorad Esteer, iyo sidii ay iyagu nafsaddooda iyo farcankooda ugu amreen xaalkii soonka iyo qayladoodii.

32. Oo Esteer amarkeediina wuxuu sii adkeeyey xaalkan ku saabsan FUURIIM; oo buug baa lagu qoray.

Esteer 9