Daanyeel 4:10-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa.

11. Geedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa.

12. Caleemihiisuna way qurxoonaayeen, midhihiisuna way badnaayeen, waxaana ku tiil cunto ku wada filan wax walba. Xayawaankii duurkuna hoostiisay hadhsanayeen, haadka cirkuna waxay ku hoyan jireen laamihiisa, oo wax jidh leh oo dhammuna isagay wax ka cuni jireen.

13. Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay.

14. Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.

15. Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.

16. Qalbigiisuna kan dadka ha ka beddelmo, qalbiga xayawaankana isaga ha la siiyo; toddoba wakhtina ha gudbeen.

Daanyeel 4