Daanyeel 11:21-35 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Oo waxaa meeshiisii qaadan doona mid la quudhsado, oo aan la siinin murwaddii boqortooyada, laakiin wuxuu iman doonaa wakhtiga nabadgelyada, oo boqortooyadana sasabashuu ku qaadan doonaa.

22. Oo iyaga hortiisa ayaa laga xaaqi doonaa, sida daadku wax u qarqiyo oo kale, waana la jebin doonaa iyagii, iyo weliba amiirkii axdigaba.

23. Oo markii wacad lala dhigto dabadeed ayuu si khiyaano ah ku shaqaysan doonaa, waayo, dad yar buu la soo bixi doonaa, wuuna xoog badnaan doonaa.

24. Wakhtiga nabadgelyada ayuu iman doonaa xataa meelaha gobolka ugu barwaaqo badan, markaasuu wuxuu samayn doonaa wax aan awowayaashiis iyo abkowyadiis midkoodna samayn; oo wuxuu ku dhex firdhin doonaa wax la boobay iyo dhac iyo maal: oo intii wakhti ayuu wax qalcadaha ka gees ah ku fikiri doonaa.

25. Markaasuu xooggiisa iyo geesinimadiisa ku kicin doonaa boqorka koonfureed, isagoo ciidan badan wata, boqorka koonfureedna isaguu la dagaallami doona isagoo wata ciidan aad u xoog badan, laakiinse isma uu taagi doono, maxaa yeelay, wax ka gees ah bay ku fikiri doonaan.

26. Oo kuwii quudkiisii cunay ayaa jebin doona isaga, oo ciidankiisuna dalkuu qarqin doonaa, oo kuwo badan baa dhici doona iyagoo la laayay.

27. Oo labadaas boqorba qalbiyadoodu waxay ka shaqayn doonaan belaayo, oo miis keliya ayay been isugu sheegi doonaan; laakiinse ma ay hagaagi doonto; waayo, weliba ugudambaystu waxay noqon doontaa wakhtigii la xugmay.

28. Markaasuu dhulkiisii ku noqon doonaa isagoo maal badan wata, qalbigiisuna ka gees buu noqon doonaa axdiga quduuska ah; siduu doonayo ayuu yeeli doonaa oo dhulkiisuu ku noqon doonaa.

29. Wakhtigii loo xugmay ayuu noqon doonaa oo koonfurtuu iman doonaa; laakiinse wakhtiga ugu dambaysta ma noqon doono sidii kii hore,

30. waayo, doonniyaha Kitiim ayaa soo weerari doona; oo sidaas daraaddeed ayuu u quusan doonaa, oo u noqon doonaa, oo wuxuu u cadhoon doonaa axdiga quduuska ah oo siduu doonayo ayuu yeeli doonaa, oo xataa wuu noqon doonaa, wuuna u fiirsan doonaa kuwa ka taga axdiga quduuska ah.

31. Oo ciidan baa isaga la gees noqon doona, oo waxay nijaasayn doonaan meesha quduuska ah ee qalcadda leh, oo waxay qaadan doonaan qurbaanka joogtada, oo waxay qotomin doonaan waxa baas oo wax baabbi'iya.

32. Oo kuwa wax baas oo axdiga ka gees ah sameeya ayuu sasabasho ku qalloocin doonaa; laakiinse dadka Ilaahooda yaqaan way xoog badnaan doonaan, oo waxyaalo waaweyn bay samayn doonaan.

33. Oo kuwa xigmadda leh oo dadka ku dhex jira, kuwo badan bay wax bari doonaan; laakiinse maalmo badan bay ku dhici doonaan seef, iyo olol, iyo maxbuusnimo, iyo dhac.

34. Haddaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona.

35. Oo qaarkooda xigmadda leh ayaa dhici doona, si loo tijaabiyo, oo loo daahiriyo, oo loo caddeeyo, ilaa wakhtiga ugudambaysta, maxaa yeelay, waa weli wakhtigii la xugmay.

Daanyeel 11