6. jidhkiisuna wuxuu u ekaa berullos, wejigiisuna wuxuu u ekaa hillaac, indhihiisuna waxay u ekaayeen laambado dab ah, gacmihiisa iyo cagihiisuna waxay midabka uga ekaayeen naxaas la safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa dad faro badan buuqood.
7. Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan.
8. Oo sidaasaa keligay layga tegey, oo waxaan arkay waxan weyn ee lay tusay, oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay.
9. Oo codkiisiina waan maqlay, oo markaan maqlay codkiisii ayaan hurdo culus wejiga ula dhacay, wejigana dhulkaan saaray.
10. Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay.
11. Oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, ninka aad loo jecelyahayow, bal garo erayada aan kugula hadlayo, oo istaag, waayo, hadda adaa lay soo kaa diray, oo markuu hadalkaas igula hadlay ayaan istaagay anigoo gariiraya.
12. Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood.
13. Laakiinse boqortooyada Faaris amiirkeedii ayaa kow iyo labaatan maalmood iga hor joogsaday, laakiinse Mikaa'iil, oo ah amiirrada sare midkood, ayaa ii yimid inuu i caawiyo, oo halkaasaan kula hadhay boqorradii reer Faaris.
14. Haddaba waxaan u imid inaan ku ogeysiiyo waxa dadkaaga ku dhici doona ugu dambaysta, waayo, wixii lagu tusay weli maalmo badan baa ka hadhay.
15. Oo markuu igula hadlay erayada sidan ah ayaan xagga dhulka u jeestay, waanan hadli kari waayay.