Cesraa 8:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. oo reer Shekaanyaah ka ahaa; wiilashii Farcoshna Sekaryaah, oo waxaa isaga la abtirsaday boqol iyo konton nin.

4. Wiilashii Faxad Moo'aabna waxaa ka socday Elihooceenay oo ahaa ina Seraxyaah; oo waxaa isaga la jiray laba boqol oo nin.

5. Wiilashii Shekaanyaahna waxaa ka socday ina Yaxasii'eel, oo waxaa isaga la jiray saddex boqol oo nin.

6. Wiilashii Caadiinna waxaa ka socday Cebed oo ahaa ina Yoonaataan, oo waxaa isaga la jiray konton nin.

7. Wiilashii Ceelaamna waxaa ka socday Yeshacyaah oo ahaa ina Catalyaah, oo waxaa isaga la jiray toddobaatan nin.

8. Wiilashii Shefatyaahna waxaa ka socday Sebadyaah oo ahaa ina Miikaa'eel, oo isaga waxaa la jiray siddeetan nin.

Cesraa 8