9. Oo wax alla wixii ay u baahan yihiin oo ay wadaaddada Yeruusaalem jooga idin weyddiistaan oo ah dibi yaryar, iyo wanan, iyo baraar, oo ay Ilaaha samada qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, iyo sarreen, iyo cusbo, iyo khamri, iyo saliidba ha la siiyo maalin kasta, oo yaan laga baajin,
10. inay iyagu Ilaaha samada u bixiyaan allabaryo caraf udgoon, oo ay u duceeyaan boqorka naftiisa iyo tan wiilashiisaba.
11. Oo weliba waxaan kaloo amar ku bixiyey in ku alla kii eraygan beddela gurigiisa loox weyn laga bixiyo, oo inta la qotomiyo, isaga lagu deldelo, oo gurigiisana taas aawadeed ha laga dhigo taallo digo ah,
12. oo Ilaahii magiciisa halkaas dejiyey ha afgembiyo boqorradii iyo dadkii gacantooda u soo fidiya inay amarkaas beddelaan si ay u dumiyaan gurigaas Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. Anigoo Daariyus ah amar baan bixiyey, ee haddaba dadaal ha loo sameeyo.
13. Wixii Boqor Daariyus u soo diray aawadiis ayay Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadoodba dadaal ku wada sameeyeen.
14. Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris.
15. Oo gurigaas dhismihiisii waxaa la dhammeeyey sannaddii lixaad oo dowladnimadii Boqor Daariyus bishii Adaar maalinteedii saddexaad.
16. Oo reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo dadkii maxaabiista ka soo noqday intoodii kaleba gurigan Ilaah gaar bay uga dhigeen iyagoo faraxsan.
17. Oo markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
18. Oo sida kitaabkii Muuse ku qoran waxay wadaaddadii u qaybiyeen qaybahoodii, kuwii reer Laawina jagooyinkoodii, adeegidda Ilaah oo Yeruusaalem laga adeegayo aawadeed.
19. Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad ayaa dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday waxay dhawreen Iiddii Kormaridda.
20. Waayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba.
21. Oo waxaa cunay reer binu Israa'iil oo maxaabiisnimada ka soo noqday, iyo in alla intii naftooda gooni uga soocday nijaastii dadkii dalka degganaa inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,
22. oo waxay toddoba maalmood farxad ku dhawreen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, waayo, Rabbigu aad buu uga farxiyey, oo wuxuu iyaga u soo jeediyey qalbigii boqorkii Ashuur inuu gacmahooda xoogeeyo intay ka shaqaynayeen gurigii Ilaah, kaasoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil.