Cesraa 2:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,

2. oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:

3. Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,

4. reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan,

5. reer Aaraxna toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan,

6. reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo laba iyo toban,

7. reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,

8. reer Satuuna sagaal boqol iyo shan iyo afartan,

9. reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,

10. reer Baaniina lix boqol iyo laba iyo afartan,

Cesraa 2