Boqorradii Labaad 4:11-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo waxaa maalin dhacday inuu halkaas yimid oo intuu qolkii ku leexday ayuu halkaas jiifsaday.

12. Oo markaasuu midiidinkiisii Geexasii ku yidhi, U yeedh naagtan reer Shuuneem. Oo markuu u yeedhay ayay hortiisii soo istaagtay.

13. Markaasuu ku yidhi isagii, Hadda waxaad iyada ku tidhaahdaa, Adigu aad baad noo xannaanaysay, haddaba maxaa laguu sameeyaa? Ma doonaysaa in laguula hadlo boqorka ama sirkaalka ciidanka? Markaasay ku jawaabtay, Anigu waxaan dhex degganahay dadkaygii.

14. Oo isna wuxuu yidhi, Haddaba maxaa loo sameeyaa iyada? Kolkaasaa Geexasii wuxuu ku jawaabay, Runtii iyadu wiil ma leh, oo ninkeeduna waa oday.

15. Markaasuu ku yidhi, Bal iyada u yeedh. Oo markuu u yeedhay ayay albaabka soo istaagtay.

Boqorradii Labaad 4