23. Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun.
24. Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun.
25. Oo keruubka kalena wuxuu ahaa toban dhudhun, oo labada keruubna waxay ahaayeen isku qiyaas iyo isku qaab.
26. Oo keruubiimta midkood sarajooggiisu wuxuu ahaa toban dhudhun, oo kan kalena saasoo kaluu ahaa.
27. Oo keruubiimtiina wuxuu dhigay gurigii dhexe gudihiisa, oo keruubiimta baalashooduna way kala baxsanaayeen oo mid baalkiisu wuxuu taabtay derbiga, oo keruubka kale baalkiisuna wuxuu taabtay derbiga kale; oo baalashooduna waxay isku taabteen guriga dhexbadhtankiisa.
28. Oo keruubiimtana wuxuu ku dahaadhay dahab.
29. Oo gurigii derbiyadiisii oo dhan, gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku xardhay sawirro keruubiim, iyo geedo timireed, iyo ubaxyo wada furan.
30. Oo guriga dhulkiisana ayuu dahab ku dahaadhay gudaha iyo dibaddaba.