13. Oo waxaan dhex joogi doonaa reer binu Israa'iil, oo kama tegi doono dadkayga reer binu Israa'iil.
14. Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.
15. Oo guriga derbiyadiisii gudaha ahaa wuxuu ka dhisay looxyo kedar ah; oo xagga gudaha salka iyo baarka inta ka dhex leh alwaax buu ku deday; oo dhulkii guriga dhexdiisa ahaana wuxuu ku deday looxyo beroosh ah.
16. Oo guriga xaggiisa dambe, salka iyo ilaa derbiyada labaatan dhudhun buu ku dhisay looxyo kedar ah, oo weliba wuxuu gudaha ka dhisay meel quduus ah, taasoo ah meesha ugu wada quduusan.
17. Oo guriga macbudka ah ee ka horreeyey dhererkiisu wuxuu ahaa afartan dhudhun.
18. Oo guriga gudihiisa waxaa ku jiray qori kedar ah oo la xardhay oo ubbooyin iyo ubax furan loo yeelay; oo kulli wuxuu ahaa qori kedar ah, oo dhagax laguma arag.
19. Oo gurigii dhexe badhtankiisa wuxuu ka diyaariyey meel quduus ah inuu dhigo sanduuqii axdiga Rabbiga.
20. Oo meesha ugu quduusan waxay lahayd meel dhererkeedu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkeeduna ahaa labaatan dhudhun, sarejooggeeduna ahaa labaatan dhudhun; oo wuxuu ku wada dahaadhay dahab saafi ah; oo meeshii allabarigana wuxuu ku deday qori kedar ah.
21. Sidaasuu Sulaymaan gurigii gudaha ku yiil ugu dahaadhay dahab saafi ah; oo silsilado dahab ah ayuu ku xidhay meeshii quduuska ahayd horteeda, wuxuuna ku wada dahaadhay dahab.
22. Oo guriga oo dhanna wuxuu ku dahaadhay dahab jeer uu gurigii oo dhammu dhammaaday. Oo meesha ugu quduusan meesheedii allabarigana wuu ku dahaadhay dahab.
23. Oo meeshii ugu quduusnaydna wuxuu u yeelay laba keruub oo qoryo saytuun ah, oo mid walbana dhererkiisu wuxuu ahaa toban dhudhun.
24. Oo keruubka baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun, baalkiisa kalena shan dhudhun; oo baal caaraddiis iyo kan kale caaraddiisu waxay isu jireen toban dhudhun.