24. Oo waxaad yeeshaa, boqorrada nin walba meeshiisii ka saar, oo meeshoodii waxaad gelisaa taliyayaal.
25. Oo waxaad tirsataa ciidan le'eg ciidankii kaa le'day, oo faras kasta meeshiisii faras geli, gaadhifaras kastana meeshiisii gaadhifaras geli; oo markaasaynu iyaga bannaanka kula diriraynaa, oo hubaal waynu ka adkaanaynaa, oo isna codkoodii buu maqlay oo saasuu yeelay.
26. Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Benhadad tiriyey ciidankii Suuriya, oo intuu Afeeq tegey ayuu la diriray ciidankii Israa'iil.
27. Oo ciidankii Israa'iilna waa la tiriyey, oo saadkoodiina waa la siiyey, markaasay iyagii ka hor tageen; oo ciidankii Israa'iilna hortooday degeen iyagoo la moodo sidii laba xaymood oo yaryar oo waxarro ah, laakiinse ciidankii Suuriya dalkoo dhan bay buuxiyeen.
28. Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil waxaa u yimid oo la hadlay nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Reer Suuriya waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa Ilaahii buuraha, laakiinse ma aha Ilaahii dooxooyinka, oo sidaas daraaddeed dadkan faraha badan oo dhan adigaan kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga.
29. Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah.