Boqorradii Kowaad 2:1-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba waxaa soo dhowaaday wakhtigii Daa'uud dhiman lahaa; oo wuxuu amray wiilkiisii Sulaymaan oo ku yidhi,

2. Anigu waxaan marayaa jidka dadka dhulka oo dhan; haddaba xoog yeelo, oo raganimadaada muuji,

3. oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;

4. inuu Rabbigu oofiyo eraygiisii uu igaga hadlay, isagoo leh, Carruurtaadu hadday jidkooda dhawraan, oo ay qalbigooda oo dhan iyo naftooda oo dhanba si run ah hortayda ugu socdaan, waayi maysid nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista.

5. Oo weliba waad og tahay wixii uu Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay igu sameeyey, ee uu ku sameeyey labadii sirkaal oo ciidanka dalka Israa'iil, kuwaasoo ahaa Abneer ina Neer, iyo Camaasaa ina Yeter, ee uu labadaba dilay, iyo inuu wakhtiga nabadda dhiiggii dagaalka daadiyey, oo uu dhiiggii dagaalkana mariyey dhex-xidhkiisa dhexda ugu xidhnaa, iyo kabahiisa cagaha ugu jiray.

6. Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha.

7. Laakiinse u roonow wiilasha Barsillay kan reer Gilecaad, oo iyagu ha noqdeen kuwa ka mid ah kuwa miiskaaga wax ka cuna, waayo, saasay iigu yimaadeen markaan walaalkaa Absaaloom ka cararay.

8. Oo bal eeg, waxaa kula jooga Shimcii ina Geeraa, oo ah reer Benyaamiinka deggan Baxuuriim, kaasoo habaar xun igu habaaray maalintii aan Maxanayim tegey; laakiinse wuu igaga hor yimid Webi Urdun, oo i soo dhoweeyey, oo anna waxaan isaga ugu dhaartay oo ku idhi, Seef kugu dili maayo.

9. Sidaas daraaddeed inuu eedlaawe yahay ha u qaadan, waayo, waxaad tahay nin xigmad leh, oo waad garan doontaa waxa kuu eg inaad ku samayso, oo waa inaad cirrada madaxiisa dhiig xabaasha la gelisaa.

10. Oo Daa'uudna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud.

11. Oo Daa'uudna wuxuu reer binu Israa'iil boqor u ahaa afartan sannadood; toddoba sannadood ayuu Xebroon ka taliyey, saddex iyo soddon sannadoodna ayuu Yeruusaalem ka taliyey.

12. Oo Sulaymaanna wuxuu ku fadhiistay carshigii aabbihiis Daa'uud, oo boqortooyadiisiina way sii dhisnaatay.

13. Markaasaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay u yimid Batshebac oo ahayd Sulaymaan hooyadiis. Oo iyana waxay ku tidhi, War ma nabad baad ku timid? Isna wuxuu yidhi, Haah, nabad baan ku imid.

14. Oo weliba wuxuu iyadii ku yidhi, Muraad baan kaa leeyahay, iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

15. Markaasuu ku yidhi, Waad og tahay inaan boqortooyada lahaa, oo ay dadkii dalka Israa'iil oo dhammu fiiro ii lahaayeen inaan boqor u noqdo, habase yeeshee boqortooyadii way rogmatay, oo waxaa yeeshay walaalkay, waayo, xagga Rabbiga buu ka helay.

16. Haddaba wax baan ku weyddiisanayaa, hana ii diidin. Iyana waxay tidhi, Bal ii sheeg.

17. Markaasuu yidhi, Waan ku baryayaaye, iila hadal Boqor Sulaymaan inuu i siiyo Abiishag tan reer Shuuneem aan guursadee, (waayo, Maya, ku odhan maayo.)

Boqorradii Kowaad 2