11. Oo markii dadkii reer Kancaan oo dalka degganaa ay arkeen baroortii ka dhacday goobtii Aataad ayay waxay yidhaahdeen, Tanu waa baroor ku xun Masriyiinta. Oo sidaas daraaddeed waxaa magaceedii loo bixiyey Aabeel Masriyiin, oo waxay ka shishaysaa Webi Urdun.
12. Wiilashiisiina way u yeeleen wixii uu kula dardaarmay iyaga,
13. maxaa yeelay, wiilashiisii waxay isagii u qaadeen dalkii Kancaan, oo waxay ku aaseen godkii ku dhex yiil berrinkii Makfelah, oo Ibraahim u iibsaday isaga iyo berrinkaba inuu ka dhigto meel xabaaleed oo hanti ah, wuxuuna ka iibsaday Cefroon kii reer Xeed, oo wuxuu ku hor yaal Mamre.
14. Yuusufna markuu aabbihiis aasay ka dib, wuxuu ku noqday Masar, isagii iyo walaalihiis, iyo kulli intii isaga u raacday oo dhan inay aabbihiis la soo aasaan.
15. Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.
16. Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,
17. Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.
18. Walaalihiisna way u dhowaadeen oo ku hor dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu nahay addoommadaada.
19. Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga?
20. Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.
21. Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.
22. Oo Yuusufna dalkii Masar buu degganaa, isaga iyo reerkii aabbihiisba; oo wuxuu Yuusuf noolaa boqol iyo toban sannadood.
23. Yuusufna qarnigii saddexaad oo carruurtii Efrayim ayuu arkay; oo carruurtii Maakiir ina Manasehna waxay ku kor dhasheen Yuusuf lowyihiisii.
24. Oo Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse hubaal Ilaah waa idin soo booqan doonaa, oo dalkan idinka kaxayn doonaa, oo wuxuu idin geeyn doonaa dalkii uu ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub.